Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga Dowladda Qatar, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Cabdulcasiis bin Faysal bin Maxamed Aal-Thaani.
Kulankan oo ka dhacay magaalada Dooxa ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa wada shaqaynta labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka dambiyada abaabulan, ka hortagga argagixisada, iyo is-weydaarsiga khibradaha iyo macluumaadka amni.
Labada Wasiir ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo hababka wada shaqayneed ee u dhexeeya hay’adaha amniga ee labada dowladood, si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta iyo xasillooni guud oo ka hirgasha gobolka.
Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Qatar doorka ay ka qaadato taageerada amniga iyo horumarinta hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid ku saleysan walaaltinimo, is-ixtiraam iyo dano wadaag ah.
Dhankiisa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar ayaa ballan qaaday in Dowladda Qatar ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhismaha awoodda hay’adaha iyo tababarrada la xiriira sugidda amniga.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee u dhexeeya Dowladda Qatar iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ku dhisan xiriir taariikhi ah iyo iskaashi istiraatiiji ah.