Ciidamadama Jubbaland iyo Ciidan Danab oo sirasmi ah Gacanta ugu dhigay magaalo Kudhaa .

Ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa
halyeeyada Jubbaland iyo ayaa wada howlgallo sifeyn ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka naflacaariga ah ee Khawaarijta, kuwaas oo shalay falal argagixiso ah ku qalqal geliyay amniga guud ee deegaanka kudhaa

Howlgalka oo ay ciidamadu u fuliyeen si qorsheysan ayaa suurtageliyay in si buuxda loo jabiyo maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka naflacaariga ah soo qaaday, waxaana la dilay dhammaan maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobta.

Ciidamada ayaa weli wada baacsiga firxadka maleeshiyaadka, iyadoo saraakiishu sheegeen in howlgalku sii socon doono inta laga ciribtirayo maleeshiyaadka qalqal-gelinta ku haya amniga, bulshada iyo xasilloonida guud.

Maleeshiyaadka lagu dilay deegaanka Kudhaa waxaa ka mid ahaa horjoogayaal sare oo ka tirsanaa Khawaarijta, kuwaas oo uu ka mid yahay madaxii sirdoonka deegaanka Joorre Iidle, Buluc.

Horjoogahan ayaa ahaa shaqsi dhibaato weyn ku hayay bulshada Soomaaliyeed, balse ugu dambeyn wuxuu ku dhammaaday gacanta Ciidamada halyeeyada Dowladda Jubbaland iyo Kumaandooska Danab.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Jubbaland ayaa bogaadiyay guusha la gaaray, iyagoo hoosta ka xariiqay in howlgallada noocan ah ay sii socon doonaan si loo ciribtiro khatar kasta oo amniga lid ku ah, loona xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.