Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Ka Qeybgalay Qalin-Jabinta Saraakiil Ciidan oo Ka Dhacday Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda qalin-jabinta saraakiisha isku dhafka ah ee wax ka baranayay kulliyadaha milateriga ee Dowladda Qatar, kuwaas oo ay ku jireen saraakiil ka socday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Munaasabadda qalin-jabinta, oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa ka dhacday Kulliyadda Milateriga Axmed bin Maxamed, waxaana si rasmi ah u soo xiray Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim bin Xamad Aal Thaani. Amiirka ayaa billado iyo shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiishii ku guuleysatay kaalmaha hore, isaga oo muujiyay muhiimadda ay leedahay tayeynta hoggaaminta iyo xirfadaha ciidamada milateriga.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyay hadal uu ku bogaadiyay Dowladda Qatar doorka ay ka qaadaneyso horumarinta, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Wasiirku wuxuu xusay in tababarada heer sare ah ee ay heleen saraakiishan qalin-jabisay ay si weyn kor ugu qaadi doonaan aqoonta, anshaxa iyo kartida hoggaamineed ee ciidamada, taas oo door muhiim ah ka qaadan doonta sugidda amniga iyo difaaca dalka.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga milatari iyo midka amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, isaga oo tilmaamay in wada-shaqeyntan ay kaalin mug leh ka qaadaneyso dib-u-dhiska iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Qalin-jabinta saraakiishan Soomaaliyeed ayaa imaneysa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto tayeynta ciidamada qalabka sida, si ay awood buuxda ugu yeeshaan la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, ugana hortagaan khataraha amni ee jira.