Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo maanta la wareegay qalab caafimaad oo loogu talagalay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax,oo uu wehliyo Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xooga Dahmme, Mustaf Xuseen Cabdule, ayaa maanta la wareegay qalab caafimaad oo loogu talagalay Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo ay ku deeqday dowladda Talyaaniga.
Xoghayaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Talyaaniga, gaar ahaaan Ururka National Alpini Association deeqda ay soo gaarsiiyeen Soomaaliya isagoo sheegay in ay ka tarjumayso xiriirka saaxiibtinimo iyo taageerada joogtada ah oo lagu xoojinayo horumarinta hay’adaha qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaan adeegyada caafimaadka ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Sidoo kale, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa si gaar ah u bogaadiyey doorka Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM) iyo Taliska Qaran ee Ciidamada Talyaaniga – Iskaashiga Rayidka iyo Militariga (ITNCC-CIMIC), kuwaas oo si wax ku ool ah uga qeyb qaatay fududeynta deeqdan caafimaad.