Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya oo Ka Qeybgalaya Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, ayaa ka qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka qaaradda Afrika, kaas oo si rasmi ah uga furmay caasimadda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Aljeeriya ee Algiers.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan dhammaan Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee dalalka Afrika ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha garsoorka ee qaaradda, is-dhaafsiga khibradaha la xiriira madaxbannaanida garsoorka, cadaaladda, hirgelinta sharciga, iyo horumarinta nidaamyada garsoor ee casriga ah.

Inta uu socdo shirka, ka qeybgalayaasha ayaa ka wada hadli doona caqabadaha ka jira nidaamyada garsoorka Afrika, fursadaha lagu horumarin karo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka maxkamadaha, iyo doorka garsoorku ku leeyahay xasillinta dowladnimada, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa la filayaa inuu shirka ka jeediyo hadal uu ku iftiiminayo xaaladda guud ee garsoorka dalka, horumarrada laga sameeyay dib-u-habaynta garsoorka, iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo madaxbannaanida iyo tayada maxkamadaha Soomaaliya.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee shirka Afrika ayaa muujinaya muhiimadda ay Dowladda Soomaaliya siineyso iskaashiga caalamiga ah ee dhinaca garsoorka, si loo helo nidaam cadaalad ah oo la jaanqaada heerarka caalamiga ah, isla markaana ka jawaaba baahiyaha bulshada.

Shirkan Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika ayaa la filayaa inuu soo saaro talooyin iyo go’aanno lagu xoojinayo wada-shaqeynta garsoor ee dalalka qaaradda, loona horseedo horumar waara oo dhinaca caddaaladda ah.