Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidamada kala duwan ee Dowlad Jubaland iyo Ciidanka Danab qeybta Jubaland, guushii ay maanta ka gaareen dagaalkii lagu jebiyay Khawaarijta ee ka dhacay degaanka Kudhaa ee Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose.
Madaxweynaha ayaa Allah uga baryayay inuu naxariistii Janno ka waraabiyo Geesiyaashii ku shahiiday, waxuuna u tacsiyeyay Qoysaskii, Eheladii iyo dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubaland ee ka run sheegay la dagaalanka Khawarijta, Sido kale waxuu Allah uga baryay caafimaad deg-deg ah inuu siiyo dhammaan Geesiyaashii ku dhaawacmay dagaalkaas.
Madaxweyne kuxigeenka ayaa Casharka adag ee Ciidamada Dowladda jubaland iyo kuwa Danab ee halyeeyada ahi u dhigeen cadowga, sheegay in uu caddeyn u yahay adkeysiga, dulqaadka iyo go’aanka adag ee ciidankeennu ay u leeyihiin difaaca shacabka iyo sugidda amniga guud ee deegaanada Jubaland.