Xildhibaan Jiley ayaa booqasho shaqo iyo dhiirrigelin ugu tagay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan degmada Waajid ee gobolka Bakool, kuwaas oo ku jira howlgallo lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida deegaanka.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Xildhibaanka ayaa kulan la qaatay saraakiisha iyo askarta CXD, isaga oo uga mahadceliyay doorka naf-hurnimada leh ee ay ka qaadanayaan difaaca dalka, sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka. Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay ciidamada inay sii laba-jibaaraan dadaallada ay ku ciribtirayaan kooxaha nabad-diidka ah ee khatarta ku ah amniga iyo horumarka dalka.
Xildhibaan Jiley ayaa carabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay garab taagan tahay Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana ay ka go’an tahay taageeridda iyo daryeelka ciidamada, si ay u gutaan waajibaadkooda qaran si hufan oo miro-dhal ah.
Dhankooda, saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan Waajid ayaa uga mahadceliyay Xildhibaanka booqashada iyo dhiirrigelinta uu u sameeyay, iyaga oo xusay in ay ka go’an tahay difaaca dalka, sugidda amniga iyo ka shaqeynta xasilloonida guud ee gobolka Bakool.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee masuuliyiinta dowladda ay ku taageerayaan Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana kor loogu qaadayo niyadda iyo isku-duubnida ciidamada ku sugan furimaha hore.