Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa booqday Akaademiyadda Booliiska Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh oo socdaal shaqo ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa booqday Akaademiyadda Booliiska Pakistan.
Booqashadan oo uu ku wehliyey Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cismaan Cabdullaahi Kaniif ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka tababarrada booliiska, is-dhaafsiga khibradaha amniga, iyo horumarinta nabadgelyada iyo kala dambeynta sharciga.
Mas’uuliyiinta Akaademiyadda Booliiska Pakistan ayaa soo bandhigay nidaamyada casriga ah ee tababarka, halka wafdiga Soomaaliya ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay ka faa’iideysiga waayo-aragnimada Pakistan si kor loogu qaado tayada iyo awoodda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.