Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo si guul leh uga qalin-jabisay Akademiyadda Booliska ee dalkaas. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayada, aqoonta iyo xirfadda Ciidamada Amniga Qaranka.
Wasiirka ayaa saraakiishaasi ugu hambalyeeyay guusha ay ka gaareen waxbarashadooda sare, isaga oo ku ammaanay dadaalka, adkaysiga iyo kartida ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka iyo waxbarashada Akademiyadda Booliska ee Qatar. Waxa uu xusay in guusha ay gaareen ay tahay mid astaan u ah horumarka iyo dib-u-dhiska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa saraakiisha ku boorriyay in aqoonta, waayo-aragnimada iyo xirfadaha casriga ah ee ay ka heleen Akademiyadda ay si hufan ugu adeegsadaan difaaca amniga qaranka, horumarinta howl-galada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyo bixinta adeeg amni oo ku saleysan cadaalad, kalsooni iyo u adeegid dhab ah oo loo fidiyo shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii, Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay tayeynta ciidamada amniga, gaar ahaan Booliska, si ay u noqdaan kuwo la jaanqaada heerarka caalamiga ah, isla markaana awood u leh sugidda nabadda, kala dambeynta iyo xasilloonida dalka.