Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, oo maalmahan socdaal shaqo ku joogay caasimadda Jakarta ee Jamhuuriyadda Indonesia, ayaa ka qeybgalay kulan aqoon-isweydaarsi heer sare ah oo diiradda lagu saaray Hannaanka Dhismaha Adkaysiga Bulshada.
Kulankan ayaa waxaa ka soo qeybgalay dalal ay Bangiga Adduunku ka taageeraan barnaamijyada la xiriira dhismaha adkaysiga bulshada iyo xoojinta hay’adaha dowladaha hoose iyo bulshooyinka, gaar ahaan waddamada ku yaalla qaaradaha Afrika iyo Aasiya. Aqoon-isweydaarsiga ayaa ujeedkiisu ahaa is-weydaarsiga khibradaha, kor u qaadista iskaashiga caalamiga ah, iyo wadaagga hababka ugu wax ku oolsan ee lagu wajahayo caqabadaha saameeya bulshooyinka nugul.
Bandhigga uu Agaasimaha Guud ka jeediyay kulanka ayaa si qoto dheer ugu qotomay waayo-aragnimada Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha adkaysiga bulshada, la qabsiga caqabadaha dhaqan-dhaqaale iyo kuwa deegaan, iyo dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga u dhexeeya dowladda dhexe, dowladaha hoose iyo bulshooyinka. Waxa uu xusay muhiimada ay leedahay in la helo hannaan wadajir ah oo lagu horumarinayo adkaysiga bulshada, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo xasillooni bulsho.