Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD) oo si guul leh uga qalin-jabisay Kulliyadda Milateriga ee Axmed bin Maxamed. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso tayada, aqoonta iyo hoggaaminta Ciidanka Xoogga Dalka.
Intii uu kulanka socday, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa saraakiisha ugu hambalyeeyay guusha ay ka soo hooyeen waxbarashadooda milatari, isaga oo ku ammaanay dadaalka, adkaysiga iyo anshaxa sare ee ay muujiyeen muddadii ay ku jireen tababarka. Waxa uu xusay in tababarka ay heleen uu yahay mid muhiim u ah dib-u-dhiska iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa saraakiisha ku dhiirrigeliyay in aqoonta, waayo-aragnimada iyo xirfadaha casriga ah ee ay ka heleen Kulliyadda Milateriga ay si hufan ugu adeegsadaan difaaca qaranka, xoojinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, ilaalinta madaxbannaanida dalka, iyo u adeegidda shacabka Soomaaliyeed si masuuliyad iyo waddaniyad ku dheehan tahay.
Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sidoo kale adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay horumarinta iyo tayeynta CXD, si ay u noqdaan ciidan qaran oo awood u leh sugidda amniga, la dagaallanka kooxaha argagixisada, iyo ka qeyb qaadashada nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.
Kulanka waxaa Wasiirka Gaashaandhigga ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Gaas Odowaa Yuusuf Raage, oo isaguna ku dhiirrigeliyay saraakiisha in ay noqdaan hoggaamiyeyaal tusaale u ah asxaabtooda, kana shaqeeya midnimada, anshaxa iyo kor u qaadista sumcadda CXD.