Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo Islamabad kula kulmay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo maalmahan ku guda jira socdaal shaqo oo uu ku joogo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Xarunta Taliska Ciidanka Badda Pakistan, halkaas oo uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan, Admiral Naveed Ashraf.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo horumarinta iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada amniga badaha, la-dagaallanka falalka sharci-darrada ah ee ka dhaca badaha, iyo sugidda nabadgelyada marin-biyoodyada muhiimka ah ee gobolka.

Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay dhisidda, horumarinta iyo tayeynta awoodaha, xirfadaha iyo karaanka howlwadeennada Ciidanka Badda Soomaaliyeed, iyada oo la adkeynayo tababarro, is-weydaarsi khibradeed, iyo taageero farsamo oo lagu horumarinayo awoodda howl-gal ee ciidanka badda.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu gorfeeyey kor u qaadidda awoodaha badda, casriyeynta qalabka iyo farsamooyinka, iyo xoojinta iskaashiga hey’adaha amniga ee labada dal, si loo xaqiijiyo bad ammaan ah oo xasiloon, loogana hortago khataraha amni ee ka imaan kara badaha.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa uga mahadceliyey Dowladda Pakistan iyo Taliska Ciidanka Badda taageerada iyo iskaashiga joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda uu iskaashigan u leeyahay xasilloonida, nabadgelyada iyo horumarka waara ee Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan, Admiral Naveed Ashraf, ayaa muujiyey sida ay Dowladda Pakistan uga go’an tahay sii wadidda iyo ballaarinta xiriirka iskaashi ee ay la leedahay Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga badaha, dhisidda awoodaha iyo wada shaqeynta hay’adaha amniga.