Duqa Muqdisho oo 16 xarumood oo caafimaad ku wareejiyey qalab casri ah

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta oo Sabti ah hoggaamiyey munaasabad si heer sare ah loo agaasimay, taas oo lagu wareejinayey qalab caafimaad oo casri ah oo loogu talagalay 16 xarumood oo caafimaad oo ku kala yaalla degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qalabkan caafimaad ayaa loogu talagalay horumarinta iyo tayeynta adeegyada caafimaad ee aasaasiga ah, iyada oo si gaar ah diiradda loo saarayo daryeelka hooyooyinka, carruurta, haweenka uurka leh iyo guud ahaan bulshada nugul ee ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir. Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir uu ku horumarinayo kaabeyaasha adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka dadweynaha.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa khudbad uu ka jeediyey munaasabadda ku sheegay in qalabkan caafimaad uu door muhiim ah ka qaadan doono kor u qaadidda tayada adeegyada caafimaadka ee xarumaha degmooyinka, isaga oo xusay in maamulka gobolka uu mudnaan gaar ah siinayo horumarinta caafimaadka bulshada.

Dr. Muungaab ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu ka go’an yahay ballaarinta iyo xoojinta taageerada la siiyo xarumaha caafimaadka, si shacabka ku nool degmooyinka ay u helaan adeegyo caafimaad oo tayo leh, la heli karo, isla markaana waafaqsan baahiyaha dhabta ah ee bulshada.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa faray maamullada degmooyinka, madaxda xarumaha caafimaadka iyo dhammaan howlwadeennada ku shaqada leh in qalabka caafimaad ee la wareejiyey si hufan, mas’uuliyad lehna loo isticmaalo, loona ilaaliyo, si ay si toos ah uga faa’iideystaan shacabka ku nool 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir ee qalabkan loogu talagalay.