Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo si buuxda u aqbalay gogosha wada-tashiga ee Xukuumadda Federaalka

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah oo buuxda u aqbalay gogoshii wada-tashiga iyo wada-hadalka ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ujeeddadeedu tahay xoojinta wadashaqeynta siyaasadeed iyo midaynta aragtida guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Bayaan wadajir ah oo ay soo saareen masuuliyiinta ku midaysan Golaha Mustaqbalka ayaa lagu muujiyay in goluhu diyaar u yahay ka-qaybgalka gogoshaas, islamarkaana uu si masuuliyad leh ula falgeli doono Xukuumadda Federaalka ajendayaal muhiim ah oo taabanaya xaaladda siyaasadeed, amniga, dib-u-heshiisiinta, dhismaha dowladnimada, iyo jihada mustaqbalka dalka.

Goluhu waxa uu sidoo kale caddeeyay in ka-qaybgalka gogoshan uu salka ku hayo danta guud ee qaranka, ilaalinta midnimada dalka, iyo in xal waara loo helo caqabadaha siyaasadeed ee muddada dheer hortaagnaa horumarka Soomaaliya.

Go’aankan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa yimid kaddib martiqaad rasmi ah oo ay u dirtay Xukuumadda Federaalka, kaas oo la qorsheeyay in uu qabsoomo 01-02-2026. Martiqaadkaasi ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo ay dowladdu ku doonayso in ay ku furto madal loo dhan yahay oo ay ku kulmaan dhinacyada kala aragtida duwan, si wadajir ahna looga arrinsado mustaqbalka dalka.

Ugu dambayn, arrintan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaadayo wada-tashiga qaran, laguna xoojinayo kalsoonida siyaasadeed ee u dhexeysa hay’adaha kala duwan, taas oo laf-dhabar u ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto midaynta aragtida ummadda Soomaaliyeed iyo sidii si wadajir ah dalka horumar waara loogu horseedi lahaa.