Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi kulan muhiim ah kula qaatay wakiillo ka socday Beesha Caalamka, kuwaas oo isugu jiray Safiirrada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Boqortooyada Midowday (UK) iyo Mareykanka (USA).
Kulankan ayaa ajandihiisa diiradda lagu saaray sidii xal degdeg ah oo waara looga gaari lahaa dhammaystirka Dastuurka Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira habraaca Doorashooyinka, kuwaas oo weli caqabado siyaasadeed ku ah horumarka dowladnimo ee dalka.
Intii uu kulanku socday, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa wakiillada Beesha Caalamka la wadaagay aragtidiisa ku aaddan muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan dastuur iyo doorasho oo hufan, loo dhan yahay, isla markaana ku saleysan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, waxaa la isla soo qaaday baahida loo qabo wada-tashi qaran oo dhab ah si xal siyaasadeed oo loo wada dhan yahay looga gaaro khilaafaadka taagan.
Dhankooda, wakiillada Beesha Caalamka ayaa soo dhoweeyay dadaallada Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, iyaga oo muujiyay taageeradooda ku aaddan xoojinta wada-hadalka siyaasadeed, dimuqraadiyeynta, iyo dhismaha hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli dalka uu wajahayo marxalad xasaasi ah oo la xiriirta hannaanka doorashooyinka iyo dhammaystirka Dastuurka, taas oo ka dhigaysa wada-tashiyada noocan ah kuwo laf-dhabar u ah jihaynta mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.