Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka Daneeyayaasha Adkaysiga Bulshada ee ka jawaabista caqabadaha la xiriira sugnaanta cuntada, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo helidda xalal waara.
Shirkan waxaa hoggaaminaysay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Kalluumeysiga, iyo hay’adaha caalamiga ah, gaar ahaan FAO, iyo daneeyayaal kale oo ka shaqeeya adkaysiga bulshada iyo sugnaanta cuntada.
Intii uu socday shirka, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta adkaysiga bulshooyinka nugul, kor u qaadista wax-soo-saarka beeraha, horumarinta nidaamyada waraabka, iyo ka hortagga saameynta isbeddelka cimilada ee si toos ah u saameeya helitaanka iyo joogtaynta cunnada. Waxaa sidoo kale la falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa qorsheyaal wadajir ah oo wax-ku-ool ah oo lagu wajahayo caqabadaha isbiirsaday ee la xiriira abaaraha, fatahaadaha, iyo hoos u dhaca wax-soo-saarka beeraha.
Wasiirka oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhab ah oo joogto ah oo dhex mara dhammaan daneeyayaasha, isagoo xusay in sugnaanta cuntadu ay tahay arrin mudnaan qaran leh oo u baahan dadaal mideysan. Wasiirku wuxuu tilmaamay in xalka waara lagu gaari karo oo keliya marka la helo wada-shaqeyn ku dhisan isfaham, wadaagis khibradeed, iyo hirgelin wax ku ool ah.
Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si buuxda uga go’an tahay hirgelinta siyaasado iyo barnaamijyo wax ku ool ah oo lagu xoojinayo adkaysiga bulshada, kuwaas oo la jaanqaadaya qorshayaasha horumarineed ee Qaranka, isla markaana kor u qaadaya nolosha bulshooyinka ku tiirsan beeraha iyo waraabka.
Gabagabadii shirka, daneeyayaasha ka qeybgalay ayaa isku raacay muhiimadda sii xoojinta wada-shaqeynta, dardargelinta barnaamijyada sugnaanta cuntada, iyo hirgelinta tallaabooyin wax ku ool ah oo wax ka tari kara saameynta isbeddelka cimilada, si loo xaqiijiyo mustaqbal cunto oo sugan oo waara.