Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Furay Shir Heer Sare ah oo Ku Saabsan Maalgelinta iyo Xoojinta Nidaamka Caafimaadka Dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa si rasmi ah u furay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayo maalgelinta, dib-u-habeynta iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.

Shirkan oo ah mid muhiimad gaar ah u leh horumarinta adeegyada caafimaadka dalka, ayaa waxaa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Guuleed Cabdijaaliil, Wasiirrada Caafimaadka Dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka Gobolka Banaadir, saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka Soomaaliya, agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.

Ujeeddada shirkan ayaa ah in la mideeyo dadaallada ku aaddan horumarinta nidaamka caafimaadka, in la xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo bah-wadaagta caalamiga ah, iyo in la dejiyo hannaan maalgelin oo waara, kaas oo suuragelinaya in la helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, la awoodi karo, isla markaana gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada nugul.

Intii uu shirka furayay, Wasiir Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay maalgelin hufan, daah-furan, kuna saleysan mudnaanta baahiyaha shacabka, isagoo xusay in horumarinta caafimaadku ay tahay tiir-dhexaad u ah horumarka guud ee dalka, isla markaana ay door weyn ka qaadato kobaca dhaqaalaha, xasilloonida bulshada, iyo horumarinta tayada nolosha muwaadiniinta.

Sidoo kale, shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa caqabadaha jira, fursadaha la heli karo, iyo xeeladaha lagu xoojin karo nidaamka caafimaadka, si loo xaqiijiyo hirgelinta Qorshaha Istaraatiijiyadeed ee Caafimaadka Qaranka, loona dhiso nidaam caafimaad oo adkeysi leh, waara, kana jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.