Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa Danjire Justin Davis, Wakiilka Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, iyagoo ka wada hadlay horumarradii dhawaan la sameeyey iyo iskaashiga socda ee la xiriira maareynta socdaalka iyo amniga xuduudaha.
Agaasimaha Guud waxa uu sidoo kale xusay in PISCES horey qayb muhiim ah uga qaatay xoojinta maamulka socdaalka iyo amniga xuduudaha, isagoo carrabka ku adkeeyey in dadaallada socda ay sii xoojin doonaan baahinta nidaamka PISCES ee dalka oo dhan, si loo sugo amniga xuduudaha.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay in lasii xoojiyo iskaashiga joogtada ah ee taageerada dowlada Maraykanka ee la xiriirta dhisidda awoodda iyo aqoonta shaqaalaha, iyo horumarinta hababka xoojinta socdaalka iyo amniga xuduudaha dalka