Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa Isiniinta maanta ah si rasmi ah u daah-furay kulanka la-tashiga saamileyda ee Qorshaha Kobcinta Dakhliga Maamulka Gobolka Banaadir.
Kulankan oo ay ka qaybgalayaan xubno ka socda Waaxyaha Dakhliga ee Dowladda Hoose, Ganacsatada, iyo Bulshada Rayidka, ayaa ujeeddadiisu tahay in la helo talooyin wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo nidaamka dakhliga, kor-u-qaadista isla-xisaabtanka, iyo ballaarinta ka-qaybgalka dadweynaha.
Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu mudnaan gaar ah siinayo kobcinta dakhliga gudaha, si’ loo xoojiyo karaanka maamulka ee isku filnaanashaha dhammaystiran. Wuxuu xusay in la-tashiga saamileydu uu yahay tiir muhiim u ah daah-furnaanta iyo wadashaqeynta dowladda iyo bulshada.
“Wadatashigan wuxuu fure u yahay sidii aan u heli lahayn aragti mideysan oo ku saabsan sida loo kordhin karo dakhliga, loo adkeyn karo isla-xisaabtanka, isla markaana loo curin lahaa figrado cusub oo ka jawaaba baahiyaha bulshada,” ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenku.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dib-u-eegista caqabadaha jira ee ku aaddan ururinta dakhliga, iyo soo-jeedinta habab cusub oo lagu xoojin karo wadashaqeynta u dhaxeysa maamulka, ganacsatada iyo bulshada.
Ugu dambeyn, maamulka Gobolka Banaadir ayaa adkeeyay in talooyinka iyo figradaha laga soo saaro kulankan ay door weyn ka qaadan doonaan dejinta iyo hirgelinta Qorshaha Kobcinta Dakhliga, si loo gaaro horumar muuqda oo dhinaca adeegyada dadweynaha ah.