Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa Magalada Mudane Abdullahi Ali Watiin Sido kalena ay Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha Degmada Baydhabo ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay,
bahda waxbarashada Degmada Baydhabo, oo ay ka mid yihiin maamulka iskuullada, jaamacadaha iyo macallimiinta ka howlgala magaalada.
Kulankan Waxaa ka qeybgalay Gudoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Arimaha siyaasada Degmada Baydhabo, iyo Agaasimaha Waaxda Waxbarashada dhaqanka iyo dalxiiska Degmada Baydhabo, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray abaaraha soo noqnoqday ee ka jira deegaanada Koonfur Galbeed, kuwaas oo saameyn ba’an ku yeeshay bulshada, gaar ahaan qoysaska danyarta ah.
Waxaa kulanka lagu gorfeeyay doorka ay bahda waxbarashada ka qaadan karaan gurmadka abaaraha, wacyigelinta bulshada iyo taageeridda dadka ay abaartu saameysay.
Guddoomiyaha Degmada Baydhabo Mudane Abdullahi Ali Watiin ayaa xusay in bahda waxbarashada ay leeyihiin kaalmo weyn oo ay ka geysan karaan gurmadka, maadaama ay yihiin qeyb muhiim ah oo bulshada ka mid ah, isla markaana ay saameyn togan ku leeyihiin wacyigelinta ardayda iyo waalidiinta.
Intii uu kulanku socday, waxaa sidoo kale la isla afgartay in aqoonyahannada iyo waxgaradka deegaanka ay sameeyaan cilmi-baaris (research) ku saabsan abaartan soo noqnoqotay, saameynteeda iyo sababaha keenay, si xal waara oo waqti dheer ah loogu helo, loogana hortago dhibaatooyinkan Soo noqnoqdey.
Maamulka Degmada Baydhabo, oo mar walba hormuud u ah gurmadka bulshada xilliyada ay jiraan abaaro iyo dhibaatooyin bini’aadannimo, ayaa bilaabay olole wacyigelin ah oo lagu dhiirrigelinayo bulshada inay is-garab istaagaan, isla markaana gacan siiyaan dadka nugul.
Sidoo kale, Maamulka Degmada ayaa wada qorshe ballaaran oo rashiin iyo gargaar kale loogu soo uruurinayo xaafadaha magaalada Baydhabo, si loo gaarsiiyo qoysaska danyarta ah ee ay abaartu sida weyn u saameysay.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan bahda waxbarashada iyo aqoonyahannada, inay si mideysan uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha, si loo yareeyo saameynta ay abaartu ku yeelatay nolosha bulshada reer Baydhabo.