Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland oo shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Hon Abdirisak Ahmed Said oo uu weheliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Hon Mohamed Mahamud Esse ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 3-aad ee Guddiga Joogtada ah.
Fadhiga maanta waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxaana warbixinno laga dhegeystay Madax-Guddiyeedyada guddiyada Golaha, taasoo ku saabsanayd arrimaha Amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, deegaanka, iyo xaaladda abaaraha ee ka jirta Puntland.
Intii kulanku socday, Guddiga Gaarka ah ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilladu u xilsaaray u kuurgelidda iyo ka jawaabidda cabashada nootaayooyinka bulshada Puntland ayaa Guddiga la wadaagay warbixin la xiriirta kulankii ay la yeesheen Guddiga Nootaayooyinka iyo madaxda wasaaradda caddaaladda Puntland. Warbixintaas ayaa diiradda lagu saaray shaqooyinkii la qabtay, caqabadaha jira iyo cabashooyinka ka jira arrimaha nootaayooyinka bulshada, markii guddigu dhegaystay warbixintaas waxaa dood ka dib guddigii gaarka ahaa dib loogu celiyey inay soo dhammaystiraan xogaha la xiriira arrimahaas, si loo waafajiyo xeerarka iyo nidaamka dawliga ah.
Dhinaca kale, waxaa warbixin looga dhegeystey guddiga gaarka ah ee Goluhu u xilsaaray soo ururinta xogta dadka baahiyaha gaarka ah qaba. Guddigaas oo booqasho iyo kormeer ku tagey dalladda Ururrada Naafada Puntland, Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, waxayna warbixinno ka dhegeysteen mas’uuliyiinta hay’adahaas, si loogu qareemo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.
Guddiga Joogtada ah ayaa dood ka yeeshay xaaladda Amniga Guud ee Puntland iyo qorshaha dib u habaynta Ciidanka,Guddigu wuxuu u xilsaaray guddi gaar ah oo talooyin iyo qorsheeyaal ka soo jeedinayaa arrimaha ciidamada qalabkasida.
Ugu dambayntii Guddiga Joogtada waxaa cabasho u soo gudbiyey qaar kamid ah Goleyaasha Daagaanka degmooyinka Puntland. Dood iyo falanqeyn kadib Guddiga Joogtada waxay u xilsaareen cabashada Goleyaasha deegaanka Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Golaha Wakiilladu in ay kala fariistaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta si xal loogu helo cabashooyinka ka soo noq-noqday Goleyaasha deegaanka Puntland.