Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Jamhuuriyadda Turkiga, kuwaas oo uu hoggaaminayay Danjire Ali Onaner, Agaasimaha Guud ee Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iyo ballaarinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada difaaca, horumarinta awoodda ciidamada, tababarrada, iyo is-dhaafsiga khibradaha milatari.
Labada dhinac ayaa si qoto dheer uga wada hadlay hababka lagu horumarin karo tayada iyo xirfadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, si ay si hufan uga shaqeeyaan sugidda amniga qaranka, difaaca madax-bannaanida dalka, iyo la-dagaallanka khataraha amni ee jira.
Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan doorka ay ka qaadatay dib-u-dhiska iyo tayeynta ciidamada, isaga oo xusay in iskaashiga labada dal uu yahay mid qoto dheer oo ku dhisan walaaltinimo, kalsooni iyo dan wadaag.
Dhankiisa, Danjire Ali Onaner ayaa adkeeyay ballanqaadka Dowladda Turkiga ee ku aaddan sii wadista taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu mar walba garab taagan yahay dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo awood leh, xirfad sare leh, kana shaqeeya nabadda iyo xasilloonida dalka.
Kulanka waxaa sidoo kale goob-joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdifitaax Cabdulqaadir Faarax, Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper AktaÅŸ, iyo xubno kale oo ka tirsan labada dhinac, kuwaas oo ka qayb qaatay falanqaynta qodobada la xiriira iskaashiga difaaca.
Kulankan ayaa qeyb ka ah kulammo is-daba joog ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, si loo xaqiijiyo amni waara, difaac qaran oo adag, iyo horumar joogto ah oo ay gaaraan Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.