Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Dhucle, ayaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho wafdi ballaaran oo ka socda Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga, kaas oo uu hoggaaminayo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda ayaa uga mahadceliyey Wasiir Ku-xigeenka iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaadeen dalka, isaga oo xusay in booqashadani ay tahay mid muhiim u ah xoojinta iyo sii adkeynta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dekadaha, gaadiidka badda, iyo adeegyada la xiriira ganacsiga iyo isku xirka gobolka.
Sidoo kale, Wasiiru Dowlaha ayaa tilmaamay doorka muuqda ee Turkigu ka qaato taageerada horumarineed ee Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, kobcinta awoodda hay’adaha dowliga ah, iyo horumarinta adeegyada istiraatiijiga ah ee badda, kuwaas oo laf-dhabar u ah kobaca dhaqaalaha dalka iyo fursadaha shaqo abuurka.
Inta uu wafdigu ku sugan yahay magaalada Muqdisho, waxaa la filayaa in ay la yeeshaan kulamo rasmi ah oo heer sare ah madaxda Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, kuwaas oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga labada dal, is-dhaafsiga khibradaha farsamo, iyo horumarinta wax wada qabsiga la xiriira kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dekadaha, gaadiidka badda, iyo nidaamyada casriga ah ee maamulka adeegyada badda.
Kulamadan ayaa la rajeynayaa inay horseedaan is-afgaradyo miro-dhal ah oo gacan ka geysta dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee Wasaaradda, kor u qaadista tayada adeegyada dekadaha, iyo xoojinta doorka Soomaaliya ee ganacsiga badda iyo isku xirka dalalka gobolka iyo caalamkaba.