Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo la kulmay masuuliyiin ka tirsan Midowga Afrika

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye, oo ah Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, waxaana kulanka ku wehliyey Ku-xigeenka Taliyaha Booliiska AUSSOM, Dr. Samuel Asiedu Okanta.

Kulanka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Midowga Afrika, gaar ahaan dadaallada lagu taageerayo sugidda amniga deegaannada laga xoreeyey Khawaariijta, iyo adkeynta amniga guud ee gobollada dalka, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo badbaadada shacabka.

Sidoo kale, waxaa kulanka diiradda lagu saaray doorka hoggaamineed ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee sugidda amniga, ilaalinta sharciga, iyo la wareegidda mas’uuliyadda amni ee deegaannada laga xoreeyey argagixisada, iyadoo laga faa’iideysanayo dib-u-dhiska ballaaran, tababarrada casriga ah, iyo qalabeynta lagu sameeyey Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa uga mahadceliyey Midowga Afrika taageerada joogtada ah ee ay siiyaan hay’adaha amniga Soomaaliya, isaga oo xusay in iskaashigan uu yahay mid muhiim u ah guulaha amni ee dalka ka hirgalay. Dhankiisa, Danjire Mukhtaar Cismaan Kaariye ayaa bogaadiyey horumarka laga sameeyey tayada iyo awoodda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, isla markaana ballan-qaaday sii wadidda taageerada Midowga Afrika ee dhanka amniga iyo xasillinta dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta wada-shaqeynta, is-dhaafsiga khibradaha, iyo taageeridda dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xaqiijinayo nabadgelyo waarta iyo dowladnimo dhameystiran.