Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Jabad-godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ka dib howlgallo amni oo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka socday aaggaas. Howlgalladan ayaa qeyb ka ahaa qorshe lagu xaqiijinayo nabadgelyada deegaanka iyo ka hortagga falalka argagixiso ee kooxaha Khawaarijta.
Wararka ka imanaya goobta ayaa sheegaya in ciidamadu ay ka wadeen howlgallo gaar ah dhulka howdka ah, halkaas oo ay ku dileen firxadka Khawaarijta, iyadoo meydadka maleeshiyaadka iyo horjoogayaashooda la daadsaday. Howlgalladan ayaa sidoo kale lagu xaqiijinayaa in deegaanka laga saaro dhammaan cadowga si shacabka deegaanka ay ugu noolaadaan nabad iyo xasillooni.
Taliyeyaasha ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo amniga gobollada dalka, gaar ahaan meelaha ay Khawaarijta ka fuliyaan weerarrada argagixisada, isla markaana ay sii xoojinayaan ka hortagga falalka argagixiso ee ka dhaca deegaanada shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa sii wadaya howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, iyagoo raadinaya in dhammaan meelaha ay maleeshiyaadka ku dhuumaalaysiistaan laga saaro, laguna soo celiyo amniga guud ee deegaanka iyo gobollada dalka.