Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan aan caadi aheyn ku yeeshay xarunta Guddoonka

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan aan caadi aheyn ku yeeshay xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ugu horreyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka furay ayaa xubnaha guddiga warbixin ka siiyey howlaha Golaha, isagoo kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha Golaha horyaala.
Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dooday ajendayaasha horutabinta u leh Golaha iyo sidoo kale shintiriska ama jadwaleynta doodda soo jeedimaha, waxayna ugu dambeyn go’aamiyeen in Golaha la horgeeyo.