Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir-guddoomiyay kulanka 16-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Aqalka Sare

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka 16-aad ee Kalfadhiga 7-aad ee Aqalka Sare, kaas oo ajandihiisu ahaa Akhrinta Saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Daawada iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Macdanta JFS.
Ugu horrayn, Guddoomiyaha Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada ee Aqalka Sare, Sanatar Cismaan Maxamuud Maxamed Dufle, ayaa Sanatarrada u akhriyay warbixinta Akhrinta Saddexaad ee Hindise-Sharciyeedka Daawada, isaga oo faahfaahiyay sida guddigu u waafajiyay aragtiyihii iyo talooyinkii ay Sanatarradu ka dhiibteen hindise-sharciyeedka muddadii uu ku jiray Akhrintiisii Labaad.
Intaas kaddib, Golaha ayaa u gudbay cod u qaadista Hindise-Sharciyeedka Daawada, waxaana oggolaaday 27 Sanatar, halka hal Sanatar uu ka aamusay, mana jirin cid diidday. Waxaana ansixinta sharcigaas Sanatarrada uga mahadcelisay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS, Marwo Maryan Maxamuud Xuseen, oo kulanka maanta goobjoog ka ahayd.
Dhanka kale, Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta ee XFS, waxaana warbixinta Akhrinta Koowaad ee hindise-sharciyeedkan ayaa Golaha la wadaagay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta, Mudane Cabdiwahab Cabdi Cumar (Cananuug), isaga oo si qoto dheer u sharraxay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay dalka, iyo doorka uu ka qaadanayo horumarinta dhaqaalaha iyo nidaaminta kheyraadka dabiiciga ah.
Intaas kadib, qaar ka mid ah Sanatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiir ku xigeenka weydiiyay su’aalo la xiriira mabaadi’da guud iyo ujeeddooyinka hindise-sharciyeedka Macdanta, kuwaas oo uu wasiirku si faahfaahsan uga jawaabay.