Muqdisho, Soomaaliya 28 Janaayo 2026: Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka. Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku wehelinayey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo xubnaha kale ee guddoonnada labada Aqal.
Kooramka kulanka oo ku furmay 180 xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 31 Senator oo Aqalka Sare ah, ayaa mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loo qaybiyey warbixinta soo-jeedimaha wax-ka-beddelka cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka. Sidoo kale waxaa la guddoonsiiyey warbixin faahfaahinaysa soo-jeedimahaas, iyo soo-jeedin kooban oo ku saabsan wax-ka-beddelka Qodobbada 49-aad, 50-aad iyo 54-aad ee cutubka 4-aad.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku wargeliyey xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka in ay si wanaagsan u akhriyaan soo-jeedimaha iyo warbixinta la socota, si looga doodo.