“Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Wafdi Sare oo ka socda Midowga Yurub ku Qaabilay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Midowga Yurub, oo uu hoggaaminayay General Seán Clancy, Guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midowga Yurub (CEUMC), ayna ka mid ahaayeen Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub (EEAS), Jonas Jonsson.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Midowga Yurub iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan amniga, la-dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga la wadaagay dadaallada Dowladda ee dib-u-xoraynta deegaannada ay ku sugan yihiin kooxaha Khawaarijta ah iyo xaqiijinta amniga guud ee dalka, oo maraya meel aad u sarreysa, taas oo ku timid wada-shaqaynta hay’adaha amniga iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay dardargelinta howlaha dimuqraaddiyadda iyo in dadweynaha Soomaaliyeed loo celiyo awoodda, si ay u doortaan madaxdooda.

Wafdiga ayaa dhankooda sheegay in ay ka go’an tahay taageerada hay’adaha amniga, tababbarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, iyaga oo xusay in ay soo dhoweynayaan gogosha ay fidisay Xukuumadda DanQaran, taas oo ay sheegeen in dhinacna uusan haysan wax cudurdaar ah oo uu gogosha kaga maqnaado.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub sida ay u garab istaageen midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ilaalinta madax-bannaanida dhuleed ee dalka, iyo taageerada arrimaha gargaarka bani’aadantinimo.