Duqa Caasimadda Galmudug oo Kormeer ku Tagay Waddada Laamiga laga Hirgelinayo ee Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Magaalada Dhuusamareeb, ahna Duqa Caasimadda Galmudug, Mudane Cabdiraxmaan Geedaqorow, oo uu wehelinayay Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Mudane Cilmi Cali Ganeey, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagey dhismaha waddada dhex marta caasimadda, halkaas oo si rasmi ah maanta looga bilaabay saarista laamiga waddada.

Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay maamulka caasimaddu ugu jiraan dardargelinta mashaariicda horumarineed, gaar ahaan kaabeyaasha dhaqaalaha, si loo horumariyo bilicda magaalada loona fududeeyo isu-socodka gaadiidka iyo shacabka.

Mas’uuliyiinta ayaa intii ay ku guda jireen kormeerka warbixin ka dhageystay injineerrada iyo shirkadda fulinaysa mashruuca, kuwaas oo faahfaahin ka bixiyay marxaladaha uu marayo dhismaha waddada.

Guddoomiyaha Caasimadda, Mudane Cabdiraxmaan Geedaqorow, ayaa shacabka Dhuusamareeb ka codsaday inay muujiyaan dulqaad iyo wada-shaqeyn inta ay socoto shaqada laamiga, isagoo xusay in mashruucani yahay mid istiraatiiji ah oo u adeegaya danta guud, kana tarjumaya horumarka iyo dib-u-dhiska caasimadda Galmudug.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa adkeeyay sida ay uga go’an tahay maamulka caasimaddu hirgelinta mashaariic horumarineed oo wax ka beddelaya nolosha shacabka, isla markaana kor u qaadaya kaabeyaasha adeegyada aasaasiga ah.