Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga, xarunta Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo muujiyey xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa intii uu ku sugnaa garoonka waxa uu kulammo muhiim ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar). Kulammadan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga iyo siyaasadda Geeska Afrika, xoojinta wada shaqeynta labada dal, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha amni iyo kuwo siyaasadeed ee ka jira gobolka.
Madaxda ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta xiriirka dhaqaale, ganacsiga, isu socodka bulshada iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta koowaad siinayso dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkeynta midnimada, madax-bannaanida iyo qarannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jig-jiga waxa uu ka qeyb galayaa munaasabado lagu xarig-jari doono mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo la xiriira adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka. Mashaariicdan ayaa la filayaa in ay door muhiim ah ka qaataan xoojinta isku xirka bulshooyinka Soomaaliyeed iyo horumarinta fursadaha shaqo iyo maalgashi.
Booqashada Madaxweynaha ee Jig-jiga ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka diblumaasiyadeed ee dalalka deriska ah, si loo helo xasillooni siyaasadeed, amni waara iyo iskaashi dhaqaale oo miro-dhal ah oo ka hirgala Geeska Afrika.