Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, Dr. Cali Xaaji Aadan, iyo Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Russia H.E Oleg Salagay, ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga caafimaadka ee labada dowladood.
Heshiiskan ayaa ka turjumaya xiriirka qotada dheer oo dhinaca caafimaadka ah ee u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya Ruushka, kaas oo diiradda saaraya horumarinta nidaamka daryeelka caafimaadka, tayeynta iyo tababarridda shaqaalaha caafimaadka, wadaagidda khibradaha iyo cilmi-baarista, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka, daryeelka hooyada iyo dhallaanka, hirgelinta tiknoolajiyadda dhijitaalka ah, daawada nukliyeerka, iyo dhiirrigelinta dalxiiska caafimaadka.
Iskaashigan cusub ayaa door muhiim ah ka qaadanayaa horumarinta tayada adeegyada caafimaadka iyo xoojinta awoodda hay’adaha caafimaadka ee dalka.
Wasiirrada labada dal oo kulan gaar ah yeeshay, ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee dhinaca caafimaadka, iyada oo si gaar ah loo adkeeyay in heshiiskan is-afgarad ah loo dhaqan-geliyo si wax ku ool ah, loogana miro-dhaliyo natiijooyin muuqda oo u adeegaya danaha wadajirka ah.