Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali ayaa maanta magaalada Pretoria kulan wadahadal laba-geesood ah la yeeshay Wasiirka Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Jamhuuriyadda Koonfur Afrika, Mudane Ronald Lamola.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo horumarinta iskaashi wax ku ool ah oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, horumarinta awoodda aadanaha, iyo beeraha, si loo gaaro natiijooyin la taaban karo oo ay ka faa’iideystaan labada shacab.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika taageerada joogtada ah ee ay u muujiso madax-bannaanida, midnimada, iyo amniga Soomaaliya. Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda wada-shaqeynta iyo is-waafajinta mowqifyada ay ka wadaagaan fagaarayaasha goboleed iyo kuwa caalami ah, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo horumarka waara.