Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo qaabilay Wafdi Sare oo ka socda Hay’adda FAO

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta qaabilay Wafdi ka socda Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Adduunka (FAO), oo uu hoggaamjnayo Madaxa FAO ee Soomaaliya, Mr. Etienne Peterschmitt ayna qeyb kayihiin Saraakiil sarre oo ka tirsan hay’adda FAO.
Kulanka waxaa looga hadlay horumarinta beeraha, xoolaha, biyaha, kalluumaysiga iyo illaalinta deegaanka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee FAO ka fuliso Puntland, lana waafajin lahaa baahiyaha dhabta ah ee bulshooyinka ku tiirsan khayraadka dabiiciga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa FAO uga mahadceliyey doorka ay ka qaadato taageerada beeraleyda, xoolo-dhaqatada, kalluumaysatada iyo dadaallada la xiriira adkeynta sugida cunnada iyo la-qabsiga isbeddelka cimilada, isagoo xusay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga wada-shaqeyneed.
Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland.