Guddiga Kheyraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii lixaad ee kalfadhiga todobaad.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee guddigu ku dardar-gelinayo shaqada sharci-dejinta, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray sii wadidda akhrinta iyo turxaanbixinta Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Xubnaha guddiga ayaa si qoto dheer uga dooday qodobbada muhiimka ah ee hindise sharciyeedkan, iyagoo falanqeeyey sida uu sharcigu u nidaaminayo ka faa’iideysiga kheyraadka macdanta, ilaalinta deegaanka, iyo in loo sameeyo hannaan hufan oo lagu maareeyo macdanta dalka.
Sidoo kale, guddigu waxa uu xooga saaray muhiimadda ay leedahay in sharcigan uu waafaqsanaado baahiyaha dalka, isla markaana uu gacan ka geysto horumarinta dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga, iyo ka faa’iideysiga kheyraadka dabiiciga ah si mas’uuliyad leh.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii ambaqaado turxaanbixinta hindisaha, si loo dhameystiro loona horgeeyo Golaha Aqalka Sare ansixin rasmi ah.