Wasiirka Cadaaladda oo shir-guddoomiyay kulan ku saabsan Qorshaha Waxqabadka Istiraatiijiyadeed ee 2026

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlay qorshaha waxqabadka istiraatiijiyadeed ee sadex biloodlaha ah ee Wasaaradda.

Kulankan oo ay ka qeyb galeen hoggaanka sare ee Wasaaradda iyo Agaasimayaasha Waaxyaha, ayaa diiradda lagu saaray guulaha la gaaray muddadii hore, caqabadaha jira, fursadaha horumarineed, iyo talooyin muhiim ah oo kor loogu qaadayo waxtarka iyo hufnaanta hawlaha Wasaaradda.

Inta lagu guda jiray kulanka, Wasiirka ayaa xoogga saaray muhiimadda ay leedahay adkeynta isla-xisaabtanka iyo dabagalka shaqooyinka, si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha waxqabadka ee 2026, loona xaqiijiyo in yoolalka istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda la gaaro.

Ugu dambeyn, Wasiirka Cadaaladda ayaa faray dhammaan waaxyaha Wasaaradda inay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla markaana si hufan u hirgeliyaan qorshayaasha la dejiyey, si loo horumariyo adeegyada ay bixiso Wasaaradda iyo waajibaadkeeda ku aaddan xaqiijinta cadaaladda iyo ilaalinta sharciga.