Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda caleemasaarka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood, oo ka mid ah munaasabadaha dhaqameed ee ugu waaweyn, laguna qabtay jawi si heer sare ah loo soo agaasimay.
Madaxweynaha ayaa munaasabadda ka jeediyay khudbad uu ku bogaadiyay doorka hoggaanka dhaqanka ee ku aaddan nabadda, xalinta khilaafaadka, iyo adkeynta wadajirka bulshada Soomaaliyeed. Madaxweyne Deni ayaa xusay in Dowladda Puntland ay mar walba garab taagan tahay hoggaanka dhaqanka, isla markaana ay muhiim u yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska.
Sidoo kale, munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid, masuuliyiin sare oo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, saraakiil ciidan, iyo hoggaamiyeyaal dhaqan oo ka kala yimid guud ahaan gobollada dalka.
Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood ayaa dhankiisa mahadcelin u jeediyay dhammaan martidii ka soo qeybgashay caleemasaarkiisa, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta midnimada, nabadda, iyo wada noolaanshaha bulshada, isla markaana uu kaalin muuqata ka qaadan doono horumarinta deegaanka iyo danta guud.
Munaasabadda caleemasaarka ayaa ku soo dhammaatay duco, is xogwaraysi, iyo muujin midnimo qaran, taas oo si weyn u muujisay kaalinta muhiimka ah ee dhaqanka Soomaaliyeed ku leeyahay nabadgelyada iyo wadajirka bulshada.