Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Oo Qaabilay Safiirka Talyaaniga iyo Madaxa AICS Soomaaliya

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa maanta qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco Coppi iyo Madaxa Hay’adda Iskaashiga Talyaaniga (AICS) ee Soomaaliya, Dr. Valeria Buoninfante.

Kulanka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan horumarka ka socda Puntland ee dhinacyada dimuqraadiyadda, amniga, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, kuwaas oo ay Dowladda Puntland ku tallaabsatay sanadihii u dambeeyay.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale si gaar ah loo xusay xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Dowladda Talyaaniga, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dhinac si loo horumariyo mashaariicda horumarineed iyo taageerada hay’adaha dowladeed.

Dhinacyada kulmay ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda abaaraha, saameynta ay ku yeesheen nolosha bulshada, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa gargaarka bini’aadantinimo iyo mashaariic waara oo lagu yareynayo saameynta isbeddelka cimilada.

Ugu dambayn, kulanka ayaa diiradda lagu saaray hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka wajahayo xilligan kala-guurka ah, iyadoo la adkeeyay baahida loo qabo wadatashi, xasillooni siyaasadeed, iyo taageero caalami ah si loo xaqiijiyo kala-guur nabdoon iyo horumar waara.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland iyo Madaxa La-socodka Mashaariicda iyo Hawlfulinta Dowladda, kuwaas oo ka qayb qaatay falanqeynta iyo dardargelinta qodobbada iskaashiga ee la isla gartay.