Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada oo Nairobi ku qabatay Shirka 5aad ee Madasha Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ee Mashruuca SERP

Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Nairobi ku qabatay Shirka 5aad ee Madasha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada ee Mashruuca SERP (Somalia).
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Prof Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Shirka ayaa diiradda saaraya dib-u-habaynta Adeegga Dadweynaha, horumarinta Nidaamka HRMIS, xoojinta hirgelinta howlaha socda, iyo ka jawaabidda caqabadaha jira.
Shirka waxaa ka qeybgalaya Wasiirrada Wasaaradaha Shaqada & Arrimaha Bulshada ee Dowlad-Goboleedyada, Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya ee heer Federaal iyo heer Dowlad-Goboleed, iyo hey’adaha kala duwan ee la shaqeeya Mashruuca SERP.
Inta uu socday shirka, waxaa diiradda la saarayaa qiimeyn qoto dheer iyo dib-u-eegis nidaamsan oo lagu sameynayo arrimaha mudnaanta leh ee Qeybta PSM, gaar ahaan dhaqangelinta howlaha istiraatiijiga ah ee la qorsheeyay, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo hufnaan shaqo.