Wasiirka Amniga Galmudug oo shir amni ku shir guddoomiyay Gaalkacyo, kana hadlay xoojinta iskaashiga ciidamada

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Galmudug, Mudane Aadan Warsame Cilmi (Deeq Gargareeto), ayaa maanta shir guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Wasiirka Amniga ayaa xusay in kulanka lagu gorfeeyay xaaladda amni ee gobolka, isla markaana la isla meel dhigay qorshayaal lagu dardar-gelinayo iskaashiga ciidamada kala duwan. Qorshayaashan ayaa door weyn ka qaadan doona yareynta falalka amni-darrada ah iyo sugidda nabadgelyada shacabka.
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Galmudug Janaraal Maxamed Nuur Cali Gadaar, Taliyaha Qaybta Boliiska gobalka Mudug Cali Muuse Afdhuub. Taliye Ku-xigeenka Ciidamada Asluubta Galmudug Axmed Nuur Cawaale (Fagaan), saraakiil ka tirsan ciidamada isku-dhafka, saraakiisha Ciidamada Danab, iyo Taliyaha Sahanka iyo Sirdoonka Militariga Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Wasiirka Amniga Galmudug ayaa ka dalbaday dhammaan hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka inay si buuxda uga shaqeeyaan hirgelinta qodobada lagu heshiiyay, isla markaana ay muujiyaan wada-shaqeyn, isku-duubni iyo dadaal joogto ah.