Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Xarigga Ka Jaray Terminaal Casri ah, Muqdisho oo U Furantay Duulimaad iyo Maalgashi Caalami ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Terminaalka cusub ee Arimas, oo laga hirgeliyay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle (AAIA) ee magaalada Muqdisho.
Furitaanka Terminaalkan cusub ayuu Ra’iisul Wasaaruhu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah horumarinta iyo casriyeynta kaabayaasha dalka, isla markaana kor u qaadaysa soo dhoweynta maalgashiga caalamiga ah iyo kordhinta duulimaadyada rakaabka iyo xamuulka ee imaanaya caasimadda.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in mashruucan ay si wadajir ah u hirgeliyeen Shirkadda Arimas oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed iyo shirkadda Favouri, taas oo muujinaysa doorka muhiimka ah ee ganacsatada iyo maalgashadayaashu ku leeyihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isaga oo tilmaamay in iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay uu xoojinayo kalsoonida maalgashiga, isla markaana dhiirrigelinayo ballaarinta adeegyada muhiimka ah ee bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay diyaarisay shuruuc iyo siyaasado lagama maarmaan u ah ilaalinta iyo dhiirrigelinta maalgashiga, si loo xaqiijiyo horumar waara, koboc dhaqaale iyo shaqo-abuur dhallinyarada Soomaaliyeed.
Terminaalka cusub ee Arimas, ayaa loo dhisay hab casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah, isaga oo qayb ka qaadanaya fududeynta socdaalka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo adeegyada garoonka.