Soomaaliya iyo Aljeeriya oo Saxiixay Heshiis Is-afgarad oo Lagu Xoojinayo Garsoorka iyo Caddaaladda

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa magaalada Algiers ee dalka Aljeeriya kulan rasmi ah la yeeshay Wasiirka Cadaaladda ee dowladda Aljeeriya, Mudane Lotfi Boudjemaa. Kulankan ayaa ku soo dhamaaday saxiixa heshiis is-afgarad ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dhinacyada garsoorka iyo caddaaladda ee labada dal.

Heshiiskan waxaa lagu saleynayaa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi taariikhi ah oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, isaga oo diiradda saaraya is-dhaafsiga khibradaha iyo waayo-aragnimada ku saabsan dib-u-habeynta, tayeynta nidaamka caddaaladda, iyo horumarinta hay’adaha garsoorka.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyeen in la xoojiyo sharciyada iyo habraacyada maxkamadaha, kor loo qaado madaxbannaanida garsoorka, lagu dhaqmo sarreynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha. Heshiisku waxa uu sidoo kale xooga saarayaa dhisidda nidaam caddaaladeed oo hufan, la isku halleyn karo, isla markaana ka jawaaba baahiyaha muwaadiniinta.

Tani waxay qeyb ka tahay dadaallada Soomaaliya ee lagu horumarinayo garsoorka iyo caddaaladda, iyadoo la tixgelinayo heerarka caalamiga ah ee ku saabsan maamul wanaagga, hufnaanta, iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.