Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, oo wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad.
Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Baarlamaanka, waxaana diiradda lagu saaray doodda soojeedimaha wax-ka-beddelka ee Qodobbada 61aad ilaa 69aad ee cutubka 5aad ee Nidaamka Federaalka iyo Baahsanaan Awoodda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dooddan ayaa qeyb ka ah dadaallada Baarlamaanka Soomaaliya uu ku xoojinayo sharci-dejinta federaalka iyo nidaamka awoodaha dalka, iyadoo la hubinayo in wax-ka-beddelka lagu sameeyo nidaamka federaalka uu u adeego danaha qaranka iyo horumarka dalka.