Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ku jooga booqasho shaqo, ayaa kulan doceed la yeeshay Wasiirka Warshadaha Difaaca ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Vugar Mustafayev, intii uu socday Bandhigga Difaaca Adduunka 2026.
Kulankan ayaa ku soo beegmay iyadoo laga ambaqaadayo heshiiskii iskaashiga difaaca ee labada dal kala saxiixdeen bishii Febraayo 2024, kaas oo dhidibada u taagay xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada gaashaandhigga iyo warshadaha difaaca.
Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay hirgelinta qodobada heshiiskaas, gaar ahaan dhinacyada sanaacada difaaca. Wafdiga Soomaaliya waxaa la siiyey sharraxaad waafi ah oo ku saabsan awoodda wax-soo-saarka iyo agabka difaaca ee Azerbaijan ku soo bandhigtay bandhigga ka socda Riyaad.
Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ka faa’iidaysato waaya-aragnimada Azerbaijan ee dhinaca warshadaha difaaca, si loo taageero tayeynta, qalabaynta, iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.