“Dhismaha Cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania oo Si Rasmi ah Loo Furay

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xamsa Aadan Xaadoow, ayaa si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha degaanka safiirka ee Safaaradda Soomaaliya ee Daar es Salaam.
Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Dowladda Tanzania, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka caalamka u fadhiya Tanzania, iyo xubno matalayay Jaaliyadda Soomaaliyeed.
Dhismaha cusub ee degaanka safiirka ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo ka turjumaya hal-adayg diblomaasiyadeed, ayaa qeyb ka ah dadaallo uu hormuud u ahaa Danjire Ilyaas Cali Xasan, kaasoo ka bilaabay hirgelinta iyo dayactirka dhismaha safaaradda.
Isaga oo ka hadlayay munaasabadda, Xoghaye Xamsa ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas hirgelinta dhismaha safaaradda iyo degaanka safiirka, waxa uu hoosta ka xarriiqay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo walaalnimo ee Jamhuuriyadda Tanzania.
Ugu dambeyntii, Danjire Ilyaas Cali Xasan ayaa carabka ku adkeeyay in dhismaha cusub iyo xarumaha Safaaradda ee la casriyeeyay ay yihiin hanti qaran oo loogu talagalay in loogu adeego shacabka Soomaaliyeed, isaga oo u mahadceliyay dhammaan martidii ka soo qeybgashay xafladda.