Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa khamiista maanta ah hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga shan (5) waddo Interloog ah oo laga hirgelinayo waaxyaha Towfiiq iyo Juungale ee degmada Yaaqshiid.
Mudane Ciise Maxamuud Guure, Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa munaasabadda ka sheegay in hirgelinta waddooyinkan ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Maamulka Gobolka Banaadir ku xoojinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, bilicda magaalada iyo isku-socodka bulshada.
Ku-simaha Guddoomiyaha ayaa sidoo kale adkeeyay in maamulka uu mudnaan gaar ah siinayo mashaariicda si toos ah u taabanaya nolosha shacabka, isaga oo tilmaamay in wadashaqeyn dhow oo dhex marta maamulka, ganacsatada iyo bulshada deegaanka ay saldhig u tahay hirgelinta horumar waara. Waxa uu ugu baaqay shacabka Degmada Yaaqshiid in ay ilaashadaan waddooyinka la dhisayo si loo xaqiijiyo in ay si joogto ah uga faa’iideystaan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale caddeeyay in ay ka go’an tahay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee wax ka beddelaya nolosha bulshada, islamarkaana sare u qaadaya amniga, nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.
Munaasadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal, Maamulka degmada Yaaqshiid iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Yaaqshiid.