Wasiirka Cadaaladda JFS oo Booqday Dugsiga Sare ee Garsoorka Aljeeriya

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Aljeeriya, ayaa booqday xarunta Dugsiga Sare ee Garsoorka (École Supérieure de la Magistrature) ee dalkaas.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga garsoorka iyo is-weydaarsiga khibradaha ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada tababarka garsoorayaasha, horumarinta manhajyada waxbarashada, iyo dib-u-habeynta nidaamka caddaaladda.

Intii uu ku sugnaa xarunta dugsiga, Wasiirka ayaa warbixin dhameystiran ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo maamulka dugsiga, kuwaas oo sharaxaad ka bixiyay qaabka ay u tababaraan garsoorayaasha, nidaamka waxbarasho ee ay adeegsadaan, iyo doorka ay ku leeyihiin tayeynta iyo kor u qaadista awoodda hay’adaha garsoorka Aljeeriya.

Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa bogaadiyay heerka horumarka iyo nidaamka waxbarasho ee dugsiga, isagoo tilmaamay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan karto khibradda Aljeeriya si loo xoojiyo dib-u-dhiska hay’adaha garsoorka iyo kor u qaadista xirfadaha garsoorayaasha Soomaaliyeed. Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee labada wasaaradood, si loo dhiso nidaam caddaaladeed oo ka turjumaya mabaadi’da dowladnimada, ku dhaqanka sarreynta sharciga, iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Booqashadan ayaa la filayaa inay horseed u noqoto heshiisyo iyo iskaashi rasmi ah oo ku saabsan tababaro, is-dhaafsi aqooneed, iyo taageero farsamo oo kor loogu qaadayo nidaamka caddaaladda Soomaaliya.