Safaaradda Turkiga oo Taageero iyo Hadiyado u Guddoonsiisay Carruurta Baahiyaha Gaarka ah ee Muqdisho

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Ku-simaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Ciise Maxamuud Guure, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu qabtay Xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga ku leedahay Muqdisho.
Munaasabaddan oo ujeedadeedu ahayd dhiirrigelinta iyo taageerada carruurta qaba baahiyaha maqalka ee ay gacanta ku hayso Hay’adda Yaasmiin Foundation, ayaa Safaaradda Turkigu ku guddoonsiisay hadiyado, si kor loogu qaado niyaddooda, waxbarashadooda iyo ka mid ahaanshahooda bulshada.
Mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ee ka qaybgashay munaasabadda ayaa uga mahadceliyay Safaaradda doorka muuqda ee ay ka qaadanayaan taageerada joogtada ah ee la siiyo carruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Waxay xuseen in iskaashiga laba-geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkigu uu tiir muhiim ah u yahay horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan waxbarashada iyo daryeelka bulshada nugul.
Ku-sime Ciise Maxamuud Guure, ayaa caddeeyay in iyadoo la ambaqaadayo hagidda iyo hoggaaminta Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ay ka go’an tahay xoojinta siyaasadaha iyo barnaamijyada lagu taageerayo carruurta baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa agoomaha ah, si loo xaqiijiyo fursado waxbarasho oo loo siman yahay iyo mustaqbal ifaya oo ay ku gaari karaan himilooyinkooda.