mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulan wadajir ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare.
Ajendaha kulanka wadajirka ah ee maanta, ayaa waxa uu ahaa Dib u eegista Marxladda labaad ee ka doodista soo jeedimaha wax ka baddalka Dastuurka, cutubkiisa lixaad.
Intaasi ka dib, mas’uuliyiinta guddiga Baarlamaanka labadiisa Aqal u qaabilsan dib u eegista iyo la socodka dastuurka iyo Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta dastuurka ayaa Xildhibaanada labada Aqal la wadaagay warbixinta cutubka lixaad ee dastuurka, waxaana Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ay ka doodeen qodobada cutubka lixaad ee dastuurka Kmg ah.
Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in dooda cutubka lixaad ee dastuurka ee maanta bilaabatay ay sii socon doonto, islamarkaana lasii amba qaadi doono kulanka kan xiga.