Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta XFS oo Soo Xiray Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Mohamed Aadan Mohamed, ayaa si rasmi ah u soo xirey Shirka Xoojinta Nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta (K&Q) ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP), kaas oo muhiim u ah dardargelinta hufnaanta iyo mideynta nidaamyada cabbira waxqabadka dowladda.
Shirkan, oo ay ka soo qayb-galeen 25-ka wasaaradood ee Dowladda Federaalka, Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, iyo Madaxtooyada Qaranka, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adaha, isku-dubaridka shaqooyinka iyo mideynta habraacyada Kormeerka Qiimaynta si loo xaqiijiyo hirgelinta wax-ku-oolka ah ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Kulanka waxaa ka hadlay Agaasimaha Waaxda Kormeerka iyo Qiimaynta, Mudane Maxamuud Siciid Nuur, iyo Agaasime Waaxda Adeegga Dadweynaha iyo Maamul-Wanaagga ee Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, Marwo Farxiya Cabdullahi Fiidow, kuwaas oo si mideysan u muujiyey in guusha qorshayaasha qaran ay ku xirantahay isku-xirnaan hay’adeed, wada-shaqayn joogto ah, iyo nidaam K&Q oo mideysan oo natiijooyin la cabbiri karo soo saara.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer loo falanqeeyey qabyo-dhamaystirka qaab-dhismeedka K&Q ee Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo dib-u-hawlgelinta guddiyada kormeerka ee tiirarkiisa, si loo xoojiyo isla-xisaabtanka, tayada xogta, iyo hufnaanta fulinta.
Ugu dambeyn, shirka waxaa si rasmi ah u soo xirey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, isaga oo ku booriyey hay’adaha dowladda inay xoojiyaan wada-shaqaynta, adeegsiga xog sax ah, iyo nidaamyada qiimeyn ee horseedaya natiijooyin horumarineed oo la taaban karo, isagoo caddeeyey in Wasaaradduay si buuxda uga go’an tahay horumarinta nidaamka Kormeerka iyo Qiimaynta ee dalka.